Contact Us Press Releases AFRICOM Portal
Runta oo looga hortago beenta: La dagaallanka dacaayadaha argagixiso ee Bariga Afrika
Been, khasab, iyo khiyaano. Kuwaani waa qaar ka mid ah xeeladaha xunxun, farsamooyinka, iyo habraacyada ururada argagixisada. Al-Shabaab, oo ah ururka Bariga Afrika ee xiriirka la leh Al-Qaacida, waxba kaagama duwana.
Been, khasab, iyo khiyaano. Kuwaani waa qaar ka mid ah xeeladaha xunxun, farsamooyinka, iyo habraacyada ururada argagixisada. Al-Shabaab, oo ah ururka Bariga Afrika ee xiriirka la leh Al-Qaacida, waxba kaagama duwana.
1 photo: Runta oo looga hortago beenta: La dagaallanka dacaayadaha argagixiso ee Bariga Afrika
Photo 1 of 1: Been, khasab, iyo khiyaano. Kuwaani waa qaar ka mid ah xeeladaha xunxun, farsamooyinka, iyo habraacyada ururada argagixisada. Al-Shabaab, oo ah ururka Bariga Afrika ee xiriirka la leh Al-Qaacida, waxba kaagama duwana. Download full-resolution version

Been, khasab, iyo khiyaano. Kuwaani waa qaar ka mid ah xeeladaha xunxun, farsamooyinka, iyo habraacyada ururada argagixisada. Al-Shabaab, oo ah ururka Bariga Afrika ee xiriirka la leh Al-Qaacida, waxba kaagama duwana.

Ururada argaggixisada waxay inta badan faafiyaan waxyaabaha been abuurka ah iyo dacaayadaha si ay u xoojiyaan ujeedooyinkooda guracan ee wax duminta iyo shaqaalaysiinta. Tani waxay si gaar ah u rumoowdaa marka qasaaraha ka dhasha dagaalka uu sii kordhayo ayna guul dareysanayaan, taas oo ah xaaladda Al-Shabaab ee hadda ka jirta Soomaaliya.

Tusaale ahaan, argaggixisada Al-Shabaab waxay dhawaan shaaciyeen guul weyn, oo ay fududahay in la sameeyo marka aysan ku xukumin runta, ama xeer anshaxeed. Kooxda argagixisada ayaa xitaa sii daayay muuqaal 52 daqiiqo ah horaantii bishaan oo uu ka soo muuqday hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed cumar Abu Cubeyda isagoo sheeganaya been isla markaana u hambalyeynayo dadkii ka qeyb qaatay weerarka. Sheegashada Al-Shabaab ee ku saabsan weerar dhowaan lagu qaaday xarunta milatari ee Balidoogle ku taal waa been abuur.

In kasta oo ay argaggixisadu ku dhawaaqayaan in ay gaysteen dharbaaxo weyn, runtu waxa weeye in aroortii ee Siteembar 30keedii, koox xagjiriin ah oo ka tirsan al-Shabaab ah ay isku dayeen in ay galaan saldhigga - 15 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ayaa si dhakhso ay u dileen ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa Mareykanka oo ilaalinayay saldhigga. Hubkii ay wateen iyo naftoodaba waa ay waayeen

Saddex baabuur oo  qarax ah ayaa qayb ka ahaa weerarkii fashilmay, laakiin qaraxyadii ay saldhigga la doonayeen labo ka mid ay waa la burburiyay ka hor intii aysan galin saldhiga. Kan saddexaad waxaa burburiyey weerar cirka ah.

Ugu dambeyn, mid ka mid ah howlwadeenada Mareykanka ayaa laga daweeyay calaamadaha shoog maskaxeed laakiin ma jirin dad kale oo Mareykan ah ama  saaxiibadooda oo khasaaro nafeed soo gaaray. Tani waa sababta argaggixisadu aysan u soo bandhigin wax sawirro ah oo taageeraya dacaayaddooda ama sheegashadooda khasaaraha Mareykanka, waayo maba aysan jirinba.

Isla maalintaas, argagaxisadu waxay isku dayeen weerar kale gudaha Soomaaliya oo ay la beegsadeen mid ka mid ah saxiibadeena Yurub - weerarkan sidoo kale wuu fashilmay.

Waxaan shaki ku jirin in Al-Qaacida iyo al-Shabaab ay sii wadi doonaan inay been ka sheegaan falalkooda ka socda Soomaaliya, laakiin xaqiiqda jirta ma taageereyso sheegashadooda. Xaqiiqda dhabta ah ee soomalida iyo dadaalada lagu doonayo in horumar laga gaaro dhinacyada diblomaasiyadda, horumarka, iyo gaashaandhiga ayaa ah mid aan la soo tebin. Waxa ka dhacaya Soomaaliya runtii waa dadaalllo caalami ah oo dhaliyay horumar isdaba-joog ah.

Waxaan arkaynaa saaxiibada amniga ee Soomaaliya oo horseed u ah guulo la taaban karo oo laga gaaro goobaha Al-Shabaab ay gacan ku hayaan, oo ay dhisayaan saldhigyo hawlgallo, oo ay sugaan amniga goobahaas - taas oo awood u siineysa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya inay kordhiso saameynteeda oo ay si wanaagsan u taageerto dadkeeda. Waxaan aaminsanahay raadka Mareykanka ee istiraatiijiyadeed, inkastoo uu yaryahay, inuu yahay mid waara oo taageeraya horumarka sii kordhaya ee aan aragnay.

Marka laga eego aragtideena ee Taliska Mareykanka ee Afrika, natiijada ugu dambeysa ee laga doonayo Bariga Afrika ayaa ah in ururada argagaxisadu ay awoodi waayaan inay carqaladeeyaan Soomaaliya ama deriskeeda, isla markaana aysan Khalkhal galin karin danaha Mareykanka iyo xulafada caalamiga ah. Waxaan aqoonsan nahay in xasilloonida Soomaaliya aan lagu gaari doonin qaab ciidan oo kaliya. Waxay u baahan tahay horumar joogto ah iyo dowladnimo. Ciidamada huwaanta ah ee Soomaaliya iyo AMISOM ayaa si aad ah uga dadaalaya sidii ay u abuuri lahaayeen xaalado ammaan si kor loogu qaado dowladnimada iyo horumarka dhaqaalaha.

Dadka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin nabad iyo xasillooni kadib sannado dagaallo ah iyo dagaallo ay la galeen kooxaha xag-jirka ah. Kooxaha Argagixisada ma rabaan kaliya inay weeraraan Bariga Afrika balse Yurub iyo Mareykanka sidoo kale. In kasta oo aaney lahayn awood ay ku weeraraan dalka Mareykanka, xaqiiqdii waxay leeyihiin damac ah inay sidaa sameeyaan. Dadka Soomaaliyeed ma doonayaan taatikada Al-Shabaab ee ku dhisan khasabka iyo arxan-darrada. Al-Shabaab waxay soo rogeen xaalado bani’aadamnimo oo aad u daran waxayna barakiciyeen dad tira badan oo aan waxba galabsan. Waxay isticmaalaan been abuur si ay isagu dayaan inay qabsadaan cinwaannada wargeysyada isla markaana abuuraan sheekooyin been abuur ah. Inta badan dadka Soomaaliyeed way diidaan beentaas, waana muhiim in bulshada iyo ururada warbaahinta kala duwan ay iska diidaan beenta Al-Shabaab si looga hortago faafinta sheekooyinka argagixisada ee been abuurka ah. Xaqiiqdi, horumar ayaa laga sameeyay Soomaaliya, iyo qaaradda Afrika. Dadaallada ayaa gacan ka geysanaya sugidda amniga danwadaagta Afrika iyo sidoo kale Mareykanka.

PARTNERSHIPS OPERATIONS READINESS